Atariishada Alia Bhatt waa atariishada waqti xaadirkaan la joogo ugu awooda badan Bollywoodka maadaama Deepika aysan filimo badan la imaanin 5tii sano ugu dambeysay.

Hadaba atariishadaan ayaa hada kahor la weydiiyay hadii ay waligeed horay wax u xaday iyo hadii kale iyo sheygii ay xadayba.

Ali ayaa ku jawaabtay in hada kahor ay darin xaday inkastoo ay sheegtay inaan xatooyo la dhihi karin maadaama ay dalab gudbisay balse aan loo fasixin iskana soo qaadatay.

Alia ayaa tiri; “Maalin ayaa goob filim lagu duubaayay waxaan aad uga helay darin meesha taalay waxaana ka gudbiyay codsi balse anoon wax jawaab helin ayaan iska soo qaatay, dabcan tani xatooyo ma ahan darintaasna ilaa haatan ayay gurigeyga taalaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here