Atiriishada Alia Bhatt jaceylka ay Ranbir u qabto sanadkaan walee wey soo bandhigtay dadka oodhana hader wey wada ogaadeen markii horena wey qarin jirtay inee Ranbir jeceshahay balse hada waxay maree Varun Dhawan ayaan kaa dhex arkay oo aan kugu qalday.

Xafladii Filimfare markii abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan la gudoonsiinaayey goobta hadal mahadnaq ah ayee ka jeedisay markee waalidkeed iyo dadkii ay la shaqeysay u mahadcelisay inee jeceshahayna u sheegtay waxay hadalkeeda kusoo gaba gabeysay.

Waxaan kaloo caawa halkaan ka cadeynaa maadama habeen farxad tahay qof igu qaali ah inaan aad u jeclahay, haa Ranbir aad ayaa kuu jeclahay” jilayaal badan oo Ranbir kamid yahay ayaa daawanayeen markee sidaa laheed.

Hadana Varu Dhawan ayee ku qaladay Ranbir Kapoor waana intii ay xayeysiin u sameeynaayeen filimkooda Kalank Varun ayaa timaha Alia Bhatt taabanaayey xili saxaafada ay horfadhiyeen wareysina laga qaadayey.

Alia ayaa damacday inee Varun kudhahdo dhibka igadaa Varunow balse magacii Ranbir ayaa kasoo fakaday waxay tiri,”dhibka igadaa Ranbir…maya Varun ayaa kawadaa” sidaa markee tiri Varun Dhawan, Sonakshi Sinha iyo saxaafadii meesha wada joogeen halmar ayee wada qosleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here