Atirishada Kangana Ranaut ayaa 2017 ka dhawaajisay in Bollywood-ka qaraabonimo iyo tol garab isi siinayo ay kusoo badanayaan balse kuwa aan dad laheyn cidna garab siinin!

Hadaba hadalkii Kangana kasoo yeeray dad badan ayay ku dortay gaar ahaan dhalinta maanta Bollywood-ka kuwooda ugu saameyn badan madaama waalidiintooda magac ay lahaayeen meesha ku imaadeen.

Atirishada Alia Bhatt ayaa ka aamusi weesay dooda kulul ee Bollywood Town ka dhex taagan waxayna tiri “Aniga qaraabonimo iyo garab kuma soo galin Bollywood-ka ee shaqo adag ee aan qabtay ayaan kusoo galay”

“Heerka aan maanta taaganahay Mahesh Bhatt ima gaarsiinin sidoo kalena Karan Johar sabab uma ahan ee dhib badan iyo shaqo adag ee aan qabtay ayaan maqaamkaan ku gaaray, hadii aan dadaalkeyga joogteyna saaxada ayaan ka dhici doonaan”

“Waxaan u maleynaa jilaa caan ah caruurtiisa marka kowaad si qaraabonimo ah wuu ku caawin karaa filimka kowaad laakiin wixii intaas ka dambeeyo jilaayaasha caanka ah caruurtooda ma garab joogi karaan hadii aysan laheyn xirfad heer sare ah oo ay ku waari karaan”

“Ma doonayo inaan magac gaar ah soo qaato balse waxaa jiraan dhalin badan oo fanka Hindiya ku fashilmeen kuwaas oo qoys awood badan Bollywood-ka caan ka ah kasoo jeedaan”

“Sidaa darteed qof walbo kartidiisa ayuu meeshaan ku joogaa ee qaraabonimo maalin walbo laguuguma caawin karo sida xaqiiqada ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here