Atiriishada caanka ah Alia Bhatt ayaa usoo dhacayaan fariimo qalafsan oo nolosheeda murug ku abuuri karta gabadhaan ayaa la dabadhigtay kadib geerida Sushant Singh Rajput naceeb xadka kabaxsan ayaana loo muujiyay waxayba qoyskeeda ka baqayaan gabadhaan inee Depression ka qaado waxyaabahan inkastoo ay garab taaganyihiin.

Alia fariimaha usoo dhacayaan labo arin ayaa loogu hanjabay oo kala daran waana kufsi iyo dilitaan mana ahan wax la aqbali karo hadii ay yareystaan qoyskeeda arinkaana hadhow dhib lama filaan ah ayee dhalin kartaa sidaa aawged walaashed ayaa hadashay.

Shaheen Bhatt oo ah gabadha la dhalatay Alia ayaa wacad ku martay inee dacwo iyo talaabo sharciga waafaqsan marin doonto fariimaha loo soodiray waliba waxay sheegtay in qoyskeeda oodhan arinkaan ka dacwoon doonaan.

Alia waxaa lagu heystaa barnaamijka Koffe With Karan hada kahor hadal kaftan ah ay katiri kaaso Sushant kula kaftantay qiyaas ahaan 4 ilaa 5 sano waa laga jooga waxayna dooratay inee Sushant dili laheed halka Ranbir guursan laheed sido kalena Ranver ay la haasaawi laheed waana suaalaha Karan dadka weydiiyo inta badan hadalkaas ayaa meel walba lagu wad-waday geerida Sushant kadib hader Alia waxay ku qasbantahay inee iska celiso oo ay sharciga kula dagaasho ragga dilka iyo xad-gudubka ugu hanjabeen.

1 COMMENT

  1. Ani ahaan alia khalad ilama aha hadlkeedi 5 ta sano kasoo wareegtay waayo de su alahanba karan johar isaga wata wana wx iska cadiya hindidan gardaro Bey dadka u xagxagnayan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here