Dalka India wali waxaa la jiro kala xirnaasho iyo dadka oo guryahooda lagu karantiilay waxaana loo arkay inee tahay wadada kaliye ee looga hortagi karo caabuqa halista badan ee Coronavirus kaaso India iyo caalamka si weyn ugu faafay.

Sidaa aawged jilayaasha caanka ah iyo shicibka iyo dhamaan dadyowga kaleba waxaa laga mamnuucay inee dibada usoo baxaan dad daruuf weyn heysato mooyee hadaba dhowaan Alia Bhatt ayaa sharcigan jabisay si lama filaan ayeena ku booqatay waalidkeed maadama hal guri kuwada nooleyn.

Mahesh Bhatt ayaa saxaafada si live ula hadlay waxuuna ka warbixiyay qaabkii Alia kusoo booqatay waxuuna yiri,”Alia caruur ma ahan waa qof weyn oo ilaalineysa shuruucda dalka sido kalena ka taxadireyso caafimaadka waalidkeed.”

“Waxay ku nooshahay dhismo aan naga fogeyn oo inoo dhow sidaa aawged waalidked inee soo booqato ayee go’aansatay maadama hal bil aan kala maqneen balse taxadar weyn ayee sameysay ayadoo ilaalineyso caafimaadkeena waxay soo xiratay waji-xirka (Mask) iyo gacmo-gashi (Gloves) ayadoo taxadar kaga jeedo.”

“Waalidkeed ayee habsiisay ayadoo qalabkaas xiran sido kale in cabaar ah ayee naga fogaatay oo ay fariisatay sidaasna kuwada sheekeysanay kadibna wey laabatay” waxaa la sheegay in Alia Bhatt ay la nooshahay saaxiibkeed Ranbir Kapoor sido kale wararka ayaa intaas ku dareen in walaashed Shaheen xitaa dhismaha reer Kapoor ku nooshahay oo Alia ayee wehel u tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here