Waxaan horey idin kula wadaagnay in filimka weyn RRR hogaamiyaal ka yihiin Ram Charan iyo Jr. NTR halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin waxaana mashruucan agaasimay SS Rajamouli oo Bahubali ku caan baxay.

Filmka RRR duubistiisa hakad ayaa ku timid tan iyo markii Hindiya xaalada bandowga ah gashay si loola tacaalo faafista Coronavirus wuxuuna qorshaha yahay marka jawiga caadi kusoo laabto in duubista filimkan la amba qaado inta badana magaalada Hyderabad ayay shaqada ka socotay.

Haatan waxaa la ogaaday Alia Bhatt in sameynta filimkan ku qaadaneyso 5 Crore ($658k) waxaana la sheegay in jadwal 10-maalmood ah inay filimkan ku leedahay taasi oo ka dhigan halkii maalin ay duubista soo xaadirto in 50 Lakh ($65k) qaadaneyso waxayna shaqadan qaban doontaa marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato.

Director SS Rajamouli ayaa ku qanciyay Alia Bhatt sameynta filimka RRR inkastoo hogaamiye ka ahayn haddana boos adag ayaa loo balan qaaday in lacag qiimaheeda sareeyo in lagu siinayo jadwalka kooban oo ay filimkan weyn ku leedahay kaasi oo qorshaha yahay in la daawado 8 Janaayo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here