Alia Bhatt halaga leexdo waa atiriisho dalacday lana wareegtay hogaaminta atiriishooyinka India waxay udalacday markaan inee soo jiidasho ku garaacdoo hablihii caalamka si rasmi ah ayaa Alia Bhatt loogu magacaabay gabadha ugu shidan qaarada Asia sanadkaan 2019.

Tartan codeyn ah ayaa UK lagu qabtay waliba qaab Poll ah waxaana qabteen shabakado kala duwan oo ay u horeysa Eastern Aye malaayiin dad ah ayaana Alia Bhatt u codeyeen inee tahay gabadha ugu soo jiidashada badan Asia 2019.

Kaalinta labaad waxaa soo gashay Deepika Padukone balse Deepika iyadana iskoor weyn ayee dhigtay maadama loo magacaabay haweeyneydii ugu shidneed uguna soo jiidasho badneed Asia 10-kii sano u dambeysay (2010-2019) waa hal Decade inaba caadi ma ahan Deepika iyadana liiska ay hogaamineyso balse Alia Bhatt ayaa sanadkaan ka qaaday oo kaalinta labaad ayaa Deepika laga riday kaliya sanadkaan.

Alia Bhatt gets the crown of the Sexiest Asian Female of 2019 while Deepika Padukone takes the decade honours

Hina Khan oo Tv-yada India caan ka ah ayaa kaalinta seddexaad soo gashay halka kaalinta afaraad ay kujirto Mahira Khan oo Pakistan kasoo jeeda waana sanadkii 5-aad xiriir ah ay xidigtaan liiskan kasoo muuqaneyso sido kale waxaa loo magacaabay 10 sano  udambeysay gabadhii ugu shidneed dalka Pakistan.

Hoos kaga bogo 10-ka haween ugu shidan qaarada Asia sanadkaan 2019:

1-Alia Bhatt

2-Deepika Padukone

3-Hina Khan

4-Mahira Khan

5-Surbhi Chandna

6-Katrina Kaif

7-Shivangi Joshi

8-Nia Sharma

9-Mehwish Hayat

10-Priyanka Chopra

Inaba caadi ma ahan sanadkaan sida dadka u codeyeen kaalmaha idiin muuqda Priyanka kaalinta 10-aad ayaa laga riday waxaana xusid mudan in Ananya Panday noqotay gabadha ugu da’da yar ee liiskan 50-ka haween ah kujirto waana 21 jir kaalinta 36-aad soo gashay halka Aishwarya Rai ay noqotay mida ugu da’da weyn qaarada Asia 50-ka hablood ugu shidan waana 46 jir kaalinta 39-aad fadhida.

Hoos kaga bogo 10-ka haween ugu shidan 10-kii sano u dambeysay (2010-2019) iyo sidee ukala horeyeen waana qiimeyn 10 sano ah liiskan ee 2019 ma ahan:

1-Deepika Padukone

2-Priyanka Chopra

3-Mahira Khan

4-Katrina Kaif

5-Drashti Dhami (Waxaa kaloo loo magacaabay kuwa musalsalada sameeya tii ugu shidneed 10-kii sano u dambeysay)

6 Frieda Pinto

7-Alia Bhatt

8-Anushka Shetty

9-Nia Sharma

10-Sonam Kapoor

Waxaa xusid mudan inaan kala fahamno liis sanadle ah oo hal sano qiimeyntiisa ku ek iyo liis 10 sano isku xiran (On Decade) ah oo qiimeyntiisa 10 sano ah waxaa macquul ah atiriisho sanadkii hore hogaanka heysay inee liiska 10-ka sano kaalinta u dambeyso kasoo gasho sida Nia Sharma oo sanadkii 2018 ama 2017 kaalinta kowaad kujirtay balse qiimeynta 10 sano kaalinta 9-aad ayee kasoo gashay.

Ugu dambeyn Hrithik Roshan ayaa loo magacaabay ninka ugu shidan Asia oodhan sanadkaan 2019 sido kalena 10-kii sano u dambeysay  isaga ayaa loo magacaabay kii ushidnaa uguna soo jiidashada badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here