Waxaa si weyn loo hadal hayaa arooska lamaanaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt mana ahan hadal heyntan wax goordhow bilaawday ee mudo 2 sano ayee socotaa laakiin sanadkaan qeybtiisa dambe si weyn ayaa loo magac haya.

Xidigahan waxay sheegen ineysan goordhow is guursan doonin taageerayaashana ugu baaqeen inee is dajiyaan waxay kaloo tilmaameen sawirada Photoshop-ka ee arooskooda laga sameeyay in la joojiyo.

Yaaba dhag jalaq u siiyay Ralia Fans maalin walba sheeko horleh ayee keenayaan maantana waxaw lasoo sameeyay kaarka casuumaada arooskooda oo ay soo habeyeen qaar kamid ah taageerayaashooda bal anaga yaab aragnay kkkkk.

Haa, kaar casuumaad ah ayaa la sameeyay kamana war qabaan Ralia waxaa ku qoron goobta arooska.ka dhici doono oo ah qasriga Umaid Bhawan Palace kuna yaala Jodhpur sido kale taariikhda arooska waxay ka dhigeen 22 Janaayo 2020.

Waxaan oo dhan taageerayaal ayaa soo sameyeen waxaana wax laga weydiiyay Alia Bhatt oo London u raacday Ranbir Kapoor markii kaarka casuumada la tusay qosol ayee ka bixi weysay xidigtaan sida la sheegay waxay la yaabtay habka loo soo sameeyay iyo xitaa taariikhda guurka dhacaayo oo lagu qoray.

Waa jaceyl ay u qabaan iyo dag dag kujiro inee mar uun arkaan xidigaha ay taageeraan oo is guursanayaan lamaanahan waxaa laga rabaa inee si dhaqsi leh isku guursadaan iskadaa ehelkooda xitaa taageerayaashooda ayaa sidan u garab taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here