Alia Bhatt Oo Saaxiibked Ranbir Iyo Kooxda Brahmastra Xaflada Gaba Gabada FIlmka Kula Dabaal Dagtay!!

Kooxda filmka Brahmastra ayaa si rasmi ah u gaba gabeyeen duubsita filmkooda ee mudada dheer socday waxayna dhigteen xaflad ay ugu dabaal dagayaan mashruucoda howshiisa oo dhamaatay.

Brahmastra waxaa Director ka ah Ayan Mukherji hala Karan Johar qarash gareenayo waana film taxane Super Hero ah sanad walbana hal qeyb laga sameen doono sida Karan horey u sheegay.

Waxaa wada jilaayan mashruucan Amitabh Bachchan, Nagarjuna, Ranbir Kapoor, Dimple Kapadia, Alia Bhatt, Mouni Roy iyo kuwa kale oo badan ayadoo la daawan doono 15 August 2019.

Hadaba kooxda mashruucan ayaa xaflad dabaal dag ah xalay dhigteen oo ay ugu dabaal dagayaan mashruucoda howshiisa oo soo dhamaatay waxaana filmkaan lagu duubayey Bulgaria.

Waxaa xusid mudan in filmkaan gabi ahaantisa Bulgaria lagu duubay horeyna waxaa halkaas aflaam ugu soo duubeen Shah Rukh Khan iyo Ajay Devgan filmadooda Dilwale iyo Shivaay.

Alia Bhatt ayaa jawi wacan xalay la qaadatay saaxiibkeda Ranbir Kapoor kaaso la sheegay in sanadka dambe uu la aqal gali doono xidigtaan maadama xiriirkoda ay shaaca ka qaadeen wararkana sheegan in arooskoda bilawga sanadka dambe la dhigi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*