Xidigta xiligan Bollywood-ka ugu awooda badan Alia Bhatt waxay ku hawlan tahay markale inay taageerayaasheeda ka yaabsato ayadoo la shaqeyn doonto filim sameeyaha awooda badan Sanjay Leela Bhansali weliba mashruucan Alia iyada ayaa hogaamiye kowaad ka ah.

Haatan waxaa la ogaaday Alia filimka ay mudanel Bhansali u sameeneyso in wax hees ah ka qaadi doonin sidoo kalena shaashada wax Dance ah kusoo bandhigi doonin waana arin is weydiin mudan atirisho kowaad ayadoo filimka ka ah haddana hees iyo Dance ma sameyn doonto.

Filimkan lagu magacaabo Gangubai Kathiawadi waxay Alia Bhatt ku jileysaa gabbar Gaangester awood badan oo aan nixin marka hees iyo dance shaqo maba ku lahan doorkeeda weliba muuqaal dhal dhalaal ka muuqdo shaashada lama imaan doonto labsikeedana wuxuu noqon doonaa mid aan qurxaneyn waxaana la sheegay luqada ciyaal suuqa ama gaangesteriinta ku hadlaan inay adeegsan doonto oo ay haatan ku cel celiso.

Director Bhansali wuxuu sheegay in Alia Bhatt ay ku xarakoon doonto qori sidoo kalena waji qamarjinimo loo yeelay awood balaarana mashruucan weyn kusoo bandhigi doonto qorshahana wuxuu yahay filimkan in la daawado 11 September 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here