Jaceylka ka dhaxeeya Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt ma ahan mid yar waa lamaane xiriirkooda banaanka keenen xiliyo kala duwan inkastoo aysan afka si toos ah oga dhawaaqin laakin sarbeebahooda badan waa la ogaaday.

Taageerayaashoda iyo saxaafada dhowr jeer ayee iskudayeen inee saadaal ka bixiyaan lamaanahan waqtigee is guursan lahaayee waxaana dhacday inee xiliyo kala duwan waqti uqabtaan tusaale ine dhahaan December ayee Alia iyo Ranbir is guursan doonaan.

Mar wax laga weydiiyay Alia waxay ku jawaabtay inee ku raaxeysato saadaasha iyo xanta saxaafada marwalba taariikh been ah u qabtaan arooskooda taageerayaashana wey kaga mahadcelisay iskudaygooda badan oo xitaa kaarkii arooska oo Fake ah ayaa la sameeyay.

Hadaba gogol dhaca maqaalkeena waxuu yahay Alia Bhatt ayaa arbacadii ka qeyb gashay xaflad lagu casuumay waxaana laga qaatay sawiro iyo muuqaalo saxaafada oo meel fog wax ka toogtaan ayaa kaamerada ku xadeen shaashada Mobile-ka Alia Bhatt.

Waxaadba moodaa inee Alia ugu talo gashay in la arki sawirka shaashada usaaran sababto ah saxaafada waxay kaamerada ku qabteen sawirka Alia Bhatt iyo Ranbir Kapoor oo isku dhaggan misane shaashada usaaran halkaa waxaa laga ogaaday jaceylka Alia Bhatt hayo inuusan mid yar aheen.

Aan dib idiin xusuusino habeenkii Filimfare sanadkii hore intee iscelin weyday Alia ayee masraxa iyadoi saaran Ranbir ugu baaqday inee jeceshahay sido kale Kalank markee xayeysiin u sameyneysay Varun Dhawan ayaa lajiray ii timaheeda gacmeynaayey iyadana magaca Ranbir ayee kudhawaaqday intee is ilaawday halkii Varun magaciisa sheegi laheed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here