Waa wax aan qarsooneen misane xan aheen inee xiriir soo wada lahaayen Sidharth Malhotra iyo Alia Bhatt balse ay si nabad ah ku kala tageen iyo bilaa buuq balse kala tagooda siyaabo kala gedisan ayaa looga hadlay arinka ugu dhow uguna macquulsan ayaan rabnaa inaan idiin taabano.

Lamaanahan nolosha wey isku fahamsanaayeen sido kale kahor inta aysan fanka soo gelin ayeeba aqoon buuxda isku lahaayen marka aan sifiican u cabirnay qaabkee oga hadleen kala tagooda iyo bur burkooda xiriirka iyo in meesha oolin wax weyn waxaa inoo cadaatay dhanka Sidharth inuu xiriirka ka jilacsanaa.

Sidharth waxuu afkiisa ka sheegay in xiriirka isaga iyo Alia dhanka jaceyl ka dabacsanaa halka dhanka saaxiibtinimada uu ka adkaa waxuu yiri isagoo Koffe With Karan hadalkaan ka jeediyay,”haa lamaane waan ahen waana kala tagnay saas eetahay wali saaxiibo isku fiican ayaan nahay balse markaan xiriirka laheen inta badan dad saaxiib oo kale ayaan uwada soconay dad xiriir jaceyl iyo hami guur ka dhaxeeyo oo kale uma aynan wada soconin.”

Sidharth ayaa sidaa yiri mar uu Karan Johar hor fadhiyay hadalkaan waxaa ka cad in xiriirkooda xoogiisa uu ahaa saaxiibtinimo caadi ah micnaha waxuu ahaa jaceyl bilaa Romantic ah, oo bilaa haasaawe ah waxay ahaayeen lamaane dusha kore balse jaceyl iyo mustaqbal isuguma aysan imaan jirin waxaa la sheegay Sidharth inuu dhanka shaqada xooga saari jiray.

Sababto ah isaga, Varun Dhawan iyo Alia Bhatt halmar ayee isla soo caan baxeen balse isaga kaliya ayaa hoos udhacay halka labada kale sare ukaceen waxuuna marwalba ku dadaali jiray sidooda oo kale inuu guul fiican gaaro ilaa hadana wuu ku dhiban yahay midaas si uu hadafkiisa u gaaro runta ayuu usheegay Alia iyo in xiriirkooda sii socon karin iyadana wey ka daneysatay kaliya saaxibtinimo caadi ah ayee ku kala joogaan ilaa maanta.

Waxaa jiraan warar xan ah oo sheegen in Jacqueline Fernandez iyo dumar kale sabab u ahaayen kala taga Sidharth iyo Alia balse wax raad leh ma aha ama xaqiiqada waaye la dhihi karo Sidharth isaga xitaa arimahaas wuu inkiray, nolosha hader Alia kujirto waa tii ay ku riyoon jirtay waligeed.

Waxay heshay wiil jaceylke rabtay ay ka heli karto oo haasaawa sifiian ula wado halka Sidharth arimahas ka mashquulay marka jaceylkii Sidharth ay ka weysay Alia waxay ka heshay Ranbir Kapoor.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here