Alia Bhatt”Waan Ku Faraxsanahay Marba Hadii Ay Ka Heleen Wadajirka Aniga Iyo Ranbir Kapoor!!

Atirishada Alia Bhatt oo lagu xanto atooraha Ranbir Kapoor ayaa saxaafada u sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay isku soo dhowaanshaha iyada iyo Ranbir inee dadka ka helaan arinkaas.

Xantooda iyo xiriirkoda hadal heyntiisa waxuu cirka galay markii ay si wadajir ah u yimaaden xaflada arooska Sonam Kapoor sido kalena halkaas sawiro looga qabtay.

Hadaba Alia Waxa tiri xili ay Ranbir ka hadleysay ayadoo Mumbai Mirror wareyso siineysay,”waxaan aad ugu faraxsanahay in dadka ay kahelaan hadal heyna ka abuuren wadajirka aniga iyo Ranbir iyo waliba isku soo dhowaanshaheena waxaana u sabab ah mashruuca aan ka howl wadno.”

“Waxaan u baaqaya dhamaan dadka jecel aniga iyo Ranbir inaan shaashada kasoo muuqano ama wadajirno had iyo jeer ha daawadan mashruucena aan ka howl wadno kaaso la daawan doono sanadka dambe.”