Taxanaha Kurulus Osman oo maraayo meeshii ugu xiisaha badneyd ayay asxaabta qaar inaga codsadeen inaan la wadaagno dhacdooyinkiisa balse maadaama aanan xalqada 1aad kasoo bilaabi karin waxaan uga sii wadeynaa halka uu maraayo oo ah xalqada 15aad hadaba ka bogasho wacan.

Dhacdooyinka xalqada 15aad ee taxanaha Kurulus Osman kaasoo looga hadlaayo taariikh nololeedkii asaasihii khilaafadii islaamka ee Cusmaaniyiinta Osman bin Ertugrul bin Suleiman Shaah ayaa ka bilaabatay halkii ay xalqadii horey ku dhamaatay ayadoo Balgaay ciidankiisa Mangooliyaanna afduubteen Gunduz Bey Osman walaalkiisa.

Osman ayaa ogaanayo in walaalkiis uu ku jiro gacanta Balgay wuxuuna go”aansanaa inuu soo badbaadiyo balse kahor inta uusan soo badbaadinin wuxuu u tagaa Yannis asigoona u sheegaayo in gabadhiisa sofia iyo ciidankeedii kalaba asiga gacanta ugu jiraan hadii uu doonayo badbaadada gabadhiisana uu hadalkiisa maqlo kaasoo ah in Balgay dabin u dhigo si loo dilo.

Yannis wii aqbalaa dalabka Osman asigoona rahmad ahaan loogu sii dhiibaayo qawaaniinta Jankiz Khan.

Osman ayaa soo aadaayo halkii lagu haayay walaalkiis oo sixun loo jirdalay valse wuxuu goobta imaanaa ayadoo balgay maqanyahay wuxuuna baabi’inaa ciidanka balqaay walaalkiisna wuu badbaadinaa.

Dundar wuxuu ogaanaa in Balgay afduubtay Gunduzi wuxuuna soo aadaa dhankii Balgay balse wuxuu u imaanaa Osman iyo ciidankiisa oo goobta la wareegeen ayadoona Osman Bey iyo Dundar Bey goobtaas isku wajihi doonaan waliba Osman aad ayuu u careysanyahay xisaab horana waa kala dhaxeysaa Dundar sidaas owgeed maanta waa maalintii la is xisaabi lahaa.

Ciidanka Dundar iyo kan Osman ayaa goobta iski fara saari doono waxaana dagaalka qeyb ka ah Dhndar wiilkiisa Batur hase yeeshee Osman oo ay garab siinayaan Bamse, Samsa, Buran iyo Abdurahmann Gazi ayaa cagta marinaayo ciidanka Dundar Bey iyagoo waliba qofna ka dilin balse qafaalan doono halka Dundar iyo wiilkiisa Batur carar cagta jari doonaan.

Konur oo looga soo tagay walaalkiis maguulka la shaqeysto ayaa waxaa qiyaaanaayo walaalkiis kadib markuu isaga dhigo qof haraadsan balse gadaal inta uga imaado ayuu madaxa wax uga dhufanaa kadibna goobta isaga baxsanaa.

Dhanka kale Saljan kadib markii ay maqasho in Gunduz uu ku dhacay gacanta cadowga waxay ka shakinee in Zehra masuul ka tahay maadaama horay uga shakisay in shirqoolka Bala Khatun lagu dhaawacay iyada ka dambeysay waxayna fahmee ciyaarteeda iyo in Balgay hoosta sir uga gudbiso balse cadeyn rasmi ah wali ma heyso.

Batur oo ka cararaayo Osman ayaa waxaa garab siinaayo Alisar oo dib usoo laabtay balse Alisar wuu dhagar badanyahay sidoo kalana wuu la socdaa qaabka ay wax u dhaceen sidaas owgeed wuxuu dilaa batur si loogu maleeyo in Osman dilay Batur kadibna Dundar iyo Osman isku dhamaadaan.

Balgay wuxuu maqlaa in goobtiisii lala wareegay dagdag ayuuna kusoo laabanaa balse waa mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen wuxuuna balan ku galaa in Osman soo dilo.

Osman wuxuu ogaanaa in gacanta midig er Balgay baxsaday wuxuuna dambiga dusha ka saaraa Konur balse Konur ayaa sidey wax u jiraan Osman u sheegaayo in uu walaalkiisa yahay.

Bala Khatun waxay ogtahay in hadii Osman guursato ilmo u dhali karin maadaama ilmo galeenka dhaawac looga dhuftay sidaas darteed waxay go’aansanee in xiriirka Osman soo jarto si uu u guursado naag kale oo Osman caruur u dhasho maadaama ayada caruur siin karin.

Bala Osman uma sheegeyso in ilmo galeenka ka dhaawacantay balse waxay u sheegee in jaceylkiisa ka tanaasushay naag kalana guursado taasoo qalbi jab iyo layaab ku noqoneyso Osman bey wuxuuna arinta u sheegaa Bamsi beyrek balse Bamsi ayaa Osman niyada u dajinaayo una sheegaayo in arinkaan wax kale ku hoos jiraan uuna is dajiyo kana soo sal gaaro arinka.

Balgay wuxuu ogaanaa shirqoolka uu Osman la maaganyahay qorshe kale ayuuna dagaa balse Osman waa nin dagaalka dhagartiisa yaqaano sidaas owgeed Yannis kuma kalsoona oo asna qorshe kale misna shirqool hor leh ayuu Balgay la ciyaaraa.

Dundar Bey wiilkiisii meel kuma sheego wuxuuna isku diyaarinayaa siduu uu usoo badbaadin lahaa balse meydkiisa oo faras saaran ayaa qabiilka dhexdiisa soo galaayo arinkaasoo Dundar aad uga xanaajineyso maadaama wiilkiisii dhintay dambiga dhan wuxuu dusha ka saaraa Osman asigoona ciidankiisa dhan soo kicinaayo misna duurka soo aadaayo si Osman usoo dilaan.

Balqay oo isku maleeyo in shirqoolkii Osman ka badbaaday ayaa dabinka kusoo dhacaayo waxaana la leynaa ciidankiisa ayadoo Osman iyo ciidankiisa isku hareereyn doonaan Balgay iyo ciidankiisa.

Xalqada ayaana halkaas ku dhamaan doonto xili labada ciidan is hor taaganyihiin balgayna uu halis ugu jiro in Osman gacantiisa soo galo.

Raali ahaada dhacdooyinka xalqada sidey u kala horeeyaan qaarkood isuguma xigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here