Fanaanada ama gabadha heesaha ku luuqeyn jirtay Alka Yagnik mar ayee Bollywoodka ka aheed Boqorada codka ee shirkadan waana mida ugu biladaha badan 90-maadkiina awood ku heysataya meesha.

Waxay bilawday ku luuqeynta heesaha iyado yae 80-maadkii ayeena si rasmi ah Bollywoodka usoo gashay waliba qeybaha dambe 80-kii waxay heeso caan noqdeen ka qaaday aflaam badan oo ay hogaamiyaal ka ahaay3n atoorayaao maanta Super Stars waaweyn noqdeen.

Aamir Khan filimkiisa Qayamat Se Qayamat Tak ayee hees kulahed waliba heeska “Ghasab Ka Hai Dil” maalin maal maha kamid ah iyadoo heeskan qol ku duubeyso waxaa usoo galay Aamir oo wiil yar dhalinyaro ahaa kursi horteeda yiilay ayuu fariistay waxuuna bilaay inuu kuuro ama indhaha ka qaadi waayo Alka oo heeska duubeyso.

Alka Yagnik waxay dhibsatay sida Aamir u fiirinaayey heeskiina wey duubi weysay waxayna shaqaalaha ku amartay in wiilkan meesha laga saaro markii dambena iyada ayaaba ku qeylisay oo ka burisay meesha balse si deg deg ah Director Mansoor Khan oo Filimka isaga sameeyay ayaa so kala dhexgalay.

Mansoor waxuu Alka u sheegay ij Aamir yahay atooraha filimka ay heeskiisa ku luuqeyneyso sido kalena uu Bollywoodka ku cusub yahay Filimkaana kusoo galaayo kadib Alka ayaa raali gareysay Aamir maadama aysan horey u ogeen in Aamir yahay atooraha filimka balse Aamir qosol ayuuba ka bixi waayey markee dhacdadaas dhaceysay ileen isagaa foodada bilaaway markii hore.

Dhowaan iyadoo Tv wareysi siineyso waxay sheegtay in marwalba oo ay kulmaan iyada iyo Aamir uu ku foodeyo soona xusuusiyo dhacdadii maalinkii iyo sida ay isugu dayday inee qolka ka saarto kadibna labadooda wey isku qoslaan midba midka kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here