Stylish Star Allu Arjun taageerayaashiisa waxay sugi weesan yihiin filimkiisa weyn Ala Vaikunthapuramloo kaasi oo la daawan doono 12 Jan 2020 waana filim uu siweyn ugu xarakeyn doono dhan walbo waxaana ku wehliyaan labada atirisho ee caanka ah Tabu iyo Pooja Hedge.

Haddaba waxaa la ogaaday atirishada Pooja Hedge inay filimka Ala Vaikunthapuramloo ku matali doonto qof u talin doono Allu Arjun ama Boss Allu ka amar qaadan doono waxayna dhahday “Aniga iyo Allu is fahan dheeraad ah ayaa naga dhaxeeyo waana filim jaceyl, arimaha qoyska qiiro badan iyo shactiro u dheer tahay laakiin waxaan ahay Boss-kiisa oo aniga ayuu iga amar qaataa .”

Waxay noqon doontaa markii labaad oo ay Allu Arjun iyo Pooja Hedge shaashada kasoo wada muuqan doonaan ayagoo horey u wada sameeyeen filimkii hirgalay DJ (  Duvvada Jagannadham) ee sanadii 2017 la daawaday markaana waxay rabaan filimka Ala Vaikunthapuramloo inay daawadayaasha ku mada daaliyaan.

Filimka Ala Vaikunthapuramloo waxaa Director ka ah Trivikram Srinivas waxaana maal galiyeen Allu Aravind iyo S.Radha Krishna balse kaligiis tiyaatarada lama saari doonto feestada Sakranthi madaama filimka Mahesh Babu Sarileru Neekevvaru oo isagana isla 12 Janaayo 2020 la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here