Stylish Star Allu Arjun filimkiisa Telugu ama Tollywood ah Ala Vaikunthapurramloo wuxuu noqday All Time Blockbuster welina ganacsi waali ah ayuu dhul weynaha Telugu ka sameenayaa haatana waxaa shaaca laga qaaday in asigoo Hindi ama Bollywood ah dib loo sameyn doono madaama saameyntiisa filimkan indhaha aan laga qabsan karin.

Ashwin Varde oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii wax ka qarash gareeyeen filimkii Kabir Singh ee sheeko ahaan laga soo min guuriyay mashruucii Arjun Reddy ayaa haatan la xaqiijiyay inuu iibsada xuquuqda Allu Arjun filimkiisa Ala Vaikunthapurramloo oo dhawaan asigoo Hindi ah la sameyn doono.

Soo saare Ashwinn Varde ayaa la sheegay inuu xuquuqda filimka Ala Vaikunthapurramloo ku iibsaday 8 Crore ($1.12m) wuxuuna ka dhigi doonaa filimkan mid fariintiisa Hindiya oo dhan laga daawan karo filimkan sida weyn loo amaanay sheekadiisa.

Soo saare Ashwin Varde ayaa ku faraxsan inuu filimka Ala Vaikunthapurramloo gacanta ku dhigay wuxuuna sheegay inuu la fariisan doono Director Trivikram oo sameeyay filimkan si masuuliyada agaasinkiisa u xil saaro asigoo Hindi ah kadibna waxaa lasoo xulan doonaa jilaayaasha ku haboon dib u sameynta mashruucan weyn waxaana loo dhiibi doonaa atoore weyn oo xiligan Bollywood-ka awood ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here