Stylish Star Allu Arjun waqti dahabi ah ayuu bartanka kaga jiraa madaama filimkiisa ugu dambeeyay ee horaantii sanadkan soo baxay Ala Vaikunthapurramloo All Time Blockbuster noqday ama darajada ugu sareesay gaaray asigoo iskooro badan dhigay aadna looga helay fariintiisa arimaha qoysaska uu xambaarsanaa.

Haatan Allu Arjun wuxuu ku guda jiraa isku diyaarinta filimkiisa xiga ee uu Director ka yahay Sukumar waana mashruuc weyn oo la daawan doono qaybaha dambe sanadkan gaar ahaan feestada Deshera oo ku beegan bisha October waana filim weyn oo si deg deg ah lagu duubi doono.

Haddaba waxaa la ogaaday in Allu Arjun ama Bunny filimkan dartiisa gar weyn u deestay oo uu shaashada la hor imaan doono sidoo kalena jir ahaan si adag ayuu isku dhisay madaama uu ku jilaayo nin reer miyi ah oo tuulo ku nool dadka deegaankiisana dhibaato walbo ka xigsanaayo.

Rashmika Mandanna ayaa atirisho kowaad ka ah mashruucan halka Mythri Movie Makers mashruucan maal galineyso sidoo kalena Allu Arjun iyo Director Sukumar waxay horey u wada sameeyeen filimadii hirgaleen Arya iyo Arya 2 haatana waxay ku midoobeen mashruucan aan magaca loo bixinin balse loogu yeero AA 20 madaama uu yahay Allu Arjun filimkiisa 20-aad ee uu hogaamiye kowaad ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here