Stylish Star Allu Arjun wuxuu ku jiraa waqti dahabi ah kadib markii mudo labo sano ku dhawaad fanka Telugu ka maqnaa wuxuu kusoo rogaal celiyay filimka Ala Vaikunthapurramloo kaasi oo bilawgii sanadkan All Time Blockbuster noqday sidoo kalena iskooro lixaad leh dhigay aadna looga helay fariintiisii wacneed.

Haddaba Allu Arjun ayaa wareysi kooban oo xiiso badan siiyay shabakada Bollywood Hungama wuxuuna banaanka kusoo dhigay inay jiraan sedex filim oo Bollywood ama Hindi ah kuwaas oo uu daawashadooa ku waalan yahay weliba mid ka mid ah in ka badan 20-jeer uu daawaday ama ku cesh ceshtay.

Allu Arjun wuxuu yiri “Waxaan aad u jeclyahay filimka Jo Jeeta Wohi Sikandar ee Aamir Khan sameeyay in ka badan 20-jeer ayaan daawaday wuxuuna ka mid yahay filimada aan ugu jeclahay daawashadooda. Sidoo kale filimka Dilwale Dulhania Le Jayenge (DDLJ) isagana marar badan ayaan daawaday welina wuxuu leeyahay mucjisadii uu shalay lahaa filimkan. Sidoo kale shaqsi ahaan waxaan ka helay daawashada filimka Gully Boy oo tiro sedex ilaa afar jeer ku ceshtay, sababtoo ah aniga waxaan jeclahay heesaha raabka ah weliba heesaha raabka lagu tiriyo ee Hindiga asalka ah waana sababta keentay in Gully Boy aan ku raaxeesto daawashadiisa.”

Allu Arjun waxaa la weydiiyay haddii uu jeclaan lahaa inuu la shaqeeyo Zoya Akhtar oo filimka Gully Boy sameesay wuxuu yiri “Waxay ka mid tahay kuwa ugu xirfada wanaagsan Bollywood-ka. Dhab ahaan waan jeclaan lahaa inaan la shaqeeyo. Sidoo kale filimadii ay horey u sameesay waan daawaday. Waxaa jiraa filim sameeyayaal kooban oo aan xushmad balaaran u haayo iyadana qayb ayay ka tahay kuwaas weliba kugu sar sareeyo ayay ka mid tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here