Atooraha reer Telugu ee loo yaqaan Mega Powerstar Pawan Kalyan ayaa sanadkii hore qeybaha dambe galah siyaasada kadibna waxaa halmar isla kaceen taageeerayaashiisa iyo saxaafada maadama uu jilaagan sheegay inuu fanka iska dhaafay.

Superstar Allu Arjun ayaa Hyderabad xayeysiin ugu sameeynaayey sanadkii hore filimkiisa Naa Peru Surya waxuuna halkaas kula kulmay saxaafad dhowr ah oo wadeen war sheegaya aflagaado loo geestay Pawan Kalyan oo ah Adeerka Allu Arjun.

Dad qaarkood ayaa baraha bulshada ku weerareen Pawan Kalyan markuu siyaasada inuu galaayo kudhawaaqay hadaba Allu Arjun oo xanaaqsan ayaa u hanjabay dadkaas waxuuna yiri, “Adeerkey (Pawan) wa atoore maqaam sare fanka ka gaaray markii hore bulshada ayuu dhiiro galin jiray maadama aflaamtiisa dadka ku wacyo galin jiray.”

“Hadda waxuu go’aansaday hadalkii uu sheegi jiray inuu ficil u bedello marba haduu siyaasada galaayo marka maxay tahay toosha laga daba qaadanaayo nin waligiis u taagnaa u adeegida dadka.”

“Ma waxee u maleyeen dadka hanjabaayo ee aflagaadeynaayo isaga in qoys la’aan heyso waa iga dhab ma dhaafaayo tuugada noocaas oo kale ah gacan nooc walbo ayee iga mudan yihiin laadiriinta filimada waxay laadiriin u yihiin inee door xumaan sameyaan atoorahaan dadka ayuu ka dhiciyaa tuugadaas nolosha dhabta ah laadiriinta jiraan waa inaan iska dhicinaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here