Caabuqan Coronavirus markuu dilaacay misane gudaha India bandow ka bilawday waxaa hoos udhacay madadaaladii iyo shaqadii fanka hindiya aflaam badan ayaa dib loo dhigay waqtigii la daawan lahaa halka kiwa qaar shaqadooda joogsatay.

Hoos udhac dhaqaalo ayaana intaas sii dheer hadaba Filimada dib udhaceen waqtigii la daawan lahaa misane ilaa amar dambe dib loo dhigay waxaa kamid ah mashruuca weyn ee RRR kaaso xidigo waaweyn isugu imaadeen.

RRR markii hore qorshaha waxuu ahaa in la daawado 30 June 2020 balse 8 Janaayo 2021 ayaa loo dib dhigay haderse Coronavirus aawgii taariikhdaas waa laga bedelay ilaa amar dambena dib ayaa loo dhigay oo lama daawan doono sida la sheegay 8 Janaayo 2021.

Sababto ah howsha udhiman ayaa aad u badan waqtiga ay heestaana wuu ku yaryahay kooxda Filimka sido kale India wali bandow ayaa ka jiro marka mashruuca waa weyn yahay duubistiisa iyo howlaha kale laga qaban lahaa madhowa waxaana la sheegay in waqtiga oo yar aawgii 8 Jan 2021 la daawan karin oo dib loo sii dhigi doono.

Fursadan waxaa ka faaideystay Superstar Allu Arjun oo la wareegay taariikhda RRR la daawan lahaa ee 8 Jan waxuuna la imaan doonaa jilaagan mashruuciisa Pushpa ee dagaalka ah waxaana la jilayaan Vijay Sethupati, Geetha iyo Rashmika Mandanni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here