Stylish Superstar Allu Arjun ayaa banaanka soo dhigay rabitaankiisa ku aadan in isaga iyo Suldaan Mahesh Babu hal filim oo weyn wada sameeyaan kaasi oo mada daalo dhameestiran leh wuxuuna aaminsan yahay iskoor walbo oo Hindiya ka jiro in filimkan bur burin doono haddii riyadiisa ay run noqoto.

Waxaan wada ognahay bilawgii sanadkan inay tiyaatarada ku hardameen Allu oo wato filimka Ala Vaikunthapurramloo iyo Mahesh oo wato filimka Sarileru Neekevvaru waxayna noqdeen labadooda filim kuwo guulo waa weyn gaareen inkastoo Allu Arjun filimkiisa All Time Blockbuster noqday oo iskooro badan dhigay halka Mahesh filimkiisa isagana Blockbuster noqday.

Allu Arjun dagaalkaas waxba uma arko wuxuuna sheegay in isaga iyo Mahesh xushmad weyn ka dhaxeyso sidoo kalena uu la fariisan doono marka ay xaalada caadi kusoo laabato si ay uga wada hadlaan suurta galnimada ku aadan hal filim oo weyn inay wada sameeyaan.

Allu Arjun ayaa ka maseersan saaxiibadiisa Ram Charan iyo Jr. NTR oo filimka RRR ku midoobeen waxaana Director ka ah SS Rajamouli sidaa darteed Allu isagana wuxuu rabaa inay Mahesh filim weyn isla sameeyaan oo ay iska bareeyaan Ram iyo NTR.

Balse waqti dhow suurta gal ma noqon doono in Mahesh iyo Allu isla shaqeeyaan madaama mashaariic kala duwan labadan Superstar shaqo ka rabto waxaan wada ognahay in Allu Arjun filimada Pushba iyo midkiisa 21-aad duubi doono halka Mahesh isagana duubi doono Sarkaru Vaari Paata iyo filim kale oo uu SS Rajamouli iska leeyahay marka Allu Arjun riyadiisa ku aadan Mahesh inay filim isla sameeyaan suurta gal ma noqon karto labada sano ee nagu soo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here