Stylish Star Allu Arjun filimkiisa Ala Vaikunthapurramuloo ee tiyaatarada la saaray 12-ka bishan Janaayo wuxuu noqday All Time Blockbuster asigoo iskoor taariikhi ah ka sameenayo dhul weynaha Telugu sidoo kalena mashruucan Pooja Hedge atirisho kowaad ka tahay fariintiisa qof walbo oo daawaday amaan ayuu kala dhul dhacay.

Waxaa dhacday markii filimka AV masraxa ku cusbaa inuu daawaday Superstar-ka awooda badan Jr. NTR kadibna baraha bulshada ugu baaqay taageerayaashiisa iyo qof kasto inuu daawado filimka Allu Arjun wuxuuna ku tilmaamay mashruuc dhameestiran oo Blockbuster taariikhi ah noqon doono waxaana dhacday sidii uu NTR sadaaliyay.

Haddaba Allu Arjun wanaaga faraha badan uu saaxiibkiis NTR u fidiyay wuu ka aamusi waayay wuuna u mahad celiyay asigoo dhahay “Aadban ugu mahad celinayaa saaxiibkeey Taarak Baava (Jr. NTR) madaama uu siweyn noo garab istaagay, sidoo kale mar labaad ayaan kaaga mahad celinaa daawashada filimkeyga iyo sidaa noo garab istaagtay.”

Waxaa xusid mudan Director Trivikram oo sameeyay filimka AV inay saaxiib dhow yihiin Allu Arjun asigoo horey ugu sameeyay filimkii HIT-ka weyn noqday Aravinda Sametha sidoo kalena dhawaan markale ayay dib u midoobi doonan wuxuuna NTR duubis ku bilaabi doonaa filimkan marka uu soo idleeyo shaqada filimka weyn RRR ee uu haatan ku mashquulsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here