Ananya Pandey iyo Kartik Aaryan dhawaanahan waqti wacan ayay isla qaadanayaan madaama si wadajir ah xayeysiin ugu sameenayaan filimkooda Pati Patni Aur Woh kaasi oo la daawan doono 6 Dec 2019 sidoo kalena atirishada Bhumi Bednekar door muhiim ah ku leedahay.

Haddaba Ananya Pandey waxay sheegtay inay aad ugu raaxeesaneyso waqtiga ay la qaadaneyso saaxiibkeeda shaqada Kartik Aaryan waxayna sheegtay is fahanka dheeraadka ah ee ka dhaxeeyo labadooda ka caawisay inay wax walbo si sahlan u wada qabtaan sidoo kalena ka hesho inta badan kaftanka Kartik iyo qalbi furnaantiisa waxayna sheegtay xidig weyn oo Bollywood-ka maamulo inuu noqon doono.

Waxayba ugu sii darneyd markii ay tiri Ananya Pandey “Dhoola cadeynta Kartik qof walbo ayuu qalbiga kaga xadi karaa oo aan aniga ku jiro waana ka helaa inuu marwalbo ii dhoola cadeeyo!”

Waxaa la sheegay haddalada kasoo yeeray Ananya Pandey inay aad u dhibsatay Sara Ali Khan oo lagu xanto inuu xiriir kala dhaxeeyo Kartik Aaryan sidoo kalena isla soo wadaan filimka Aaj Kal oo la daawan doono 14 Feb 2020. Waxayna haatan Sara dareemeysaa wehelkeedii kowaad Kartik Aaryan inuu gacanteeda ka baxsan rabo oo dhanka Ananya Pandey mari rabo!

Sara iyo Ananya waxay ku tartamaan nolosha Kartik Aaryan balse dhowr bilood waxaa la islahaa Kartik dhanka Sara ayuu u badan yahay madaama baraha bulshada soo dhigayaan xili ay waqti wacan isla qaadanayeen waxayna sheekada gaartay in Sara aabaheed Saif Ali Khan xitaa saxaafada wax ka weydiiso xiriirka labadan balse haatan sheekada dhinac kale ayay isku rogtay waxaana la moodaa Kartik dhanka Ananya Pandey inuu u batay madaama filimkooda Pati Patni Aur Woh xayeysiin balaaran u sameenayaan waana fursad ay heshay Ananya oo marwalbo adeegsaneyso hadalo Sara qalbigeeda gubayaan!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here