Inaba caadi ma ahan shactiroole Johnny Lever gabadhiisa Jamie Lever dhanka shactirada iyadana laguma gaaro waa atirisho Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena Tv-yada caan ka ah dhanka Dance-ga iyo mada daalada aan lagu heesanin haatana baraha bulshada ciwaano xiiso badan ayay ka sameeneysaa.

Jamie Lever waa gabbar fur furan waxayna barteeda TikTok soo dhigtay muuqaal Video hadal heyn xoogan abuuray kadib markii ay shidatay heeskii hirgalay Duniya haseeno ka mela ee filimkii Gupta ku jirtay kuna caan baxay Bobby Deol oo dhamaadkii 90-maadkii gabdhaha Hindiya heeskan ku jeclaadeen.

Haatan Jamie Lever ayaa heeskan dib usoo kala kicisay waxayna 100% keentay matal ahaan qaabkii Bobby Deol heeska Duniya haseeno ka mela ugu cayaarayay weliba tilaabo ama Step Sep ayay u keentay Dance-ga u gaarka ah ee Bobby lagu yaqaano iyo xitaa qaabka uu timaha u ruxaayo.

Jamie Lever waxay kasoo muuqatay filimada ay ka mid yihiin Kis Kisko Pyaar Karoon iyo Housefull 4 oo ay aabaheed isla jileen. Sidoo kalena gabadhan bishii bore barta TikTok ayay shiday markii iyada iyo aabaheed Johnny Lever muuqaal soo duubeen waxayna matalayeen muuqaalkii shactirada badnaa filimkii Awara Pawal Deewana ee Amadi iyo Paresh Rawal isku heleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here