Maxaa ka xiiso badan shactiroolaha laga daba dhacay ee awooda ku heesto Tamil Nadu fankooda Kollywood-ka waa mudane Yogi Babu inuu Bollywood-ka kusoo biirayo markaana filimka weyn Lal Singh Chaddha ee Aamir Khan hogaamiye ka yahay ayuu door heer sare ah ku yeelan doonaa.

Waxaa horey shaaca looga qaaday xidiga reer Tamil Vijay Sethupathi inuu door muhiim ah ku leeyahay filimka Aamir Khan haatana Yogi Babu ayaa lagu soo daray mashruucan sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka Classic ahaa Forest Gump (1994) ee Tom Hanks abaal marinada badan ku qaatay.

Yogi Babu ayaa sheegay inuu ka helay doorka uu Aamir Khan usoo bandhigay sidoo kalena dhawaan uu Aamir u gudbin doono xiliga uu firaaqada heli karo ee uu duubista filimka Lal Singh Chaddha ka qayb qaadan karo madaama shactiroolahan aad u mashquul badan yahay siweyna kaga soo muuqdo aflaanta Tamil-ka oo xaruntooda tahay Chennai sameeyaan.

Filimka Lal Singh Chaddha waxaa atirisho kowaad ka ah Kareena Kapoor Khan dhawaan ayayna duubistiisa bilaaban doontaa waxaana Director ka ah Advait Chandan oo horey u sameeyay filimkii Secret Superstar waxaana la daawan doonaa Christmas 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here