Home » Nolosha Jilaayaasha » Amala Paul Oo Shaaca Ka Qaaday Ninkii Sida Xun Ula Dhaqmay Waxuu Damacsanaa Iyo Qorshihiisa Waxuu Ahaa!!

Amala Paul Oo Shaaca Ka Qaaday Ninkii Sida Xun Ula Dhaqmay Waxuu Damacsanaa Iyo Qorshihiisa Waxuu Ahaa!!

Atirishada Amala Paul ayaa sheegtay xili ay Malaysia ku sugned inuu nin si xun ula dhaqmay xili ay ku guda jirtay tabobar iyo tijaaboyin dhanka Dance-ga ah.

Atirishadan ayaa si dhaqsi leh Police-ka ola xiriirtay waxayna dacweysay ninkaan maadama uu anshax xumo ula dhaqmay.

Sidaan horey idiin kula wadaagnayba arinkaan balse wararkiisa Update-ka ah ayaa waxay yihiin in Amala wax laga weydiyay arinkaan inee sharaxaad wacan ka bixiyo xidigtaan waxay tiri ayado hadleysa.

“Waxaan kujiray qolka aan ku baranaayey qoobka ka cayaarka nin ayaa ii soo galay wuu ila hadlay aniga howsheda ayaan iska watay waxaana umaleynaayey inuu ahaa nin katirsan kooxda aan la shaqeynaayey iyo goobta aan howsha ka wadayba balse ninkaan si shaqsi ahaan ayuu iila hadlay wuxuuna iila hadlaayey sida qof si wanaagsan ii garanaya.”

“Balse waxaan ka xumaaday hadalada qaabka daran eeku hadlaayey waxuuna u hadlaayey nin ciyaal suuq ah oo kale sido kalena waxaan markii dambe ogaaday inuu kamid yahay kuwa gabdhaha fursada cidlada ah kuhelaan waxaan kaloo ogaaday inuu Lambarkeyga heysto iyo wax walbo oo aniga igu saabsan oo uu ogyahay.”

“Waxuu damacsana inuu I shirqoolo ama qorshe kale ii dhigo si aan shabaqiisa ugu dhaco sidaa awged ana waan ka hortagay oo waan dacweyay maadama an wax walbo u dhabo galay soona ogaaday.”

Amala ayaa gabdhaha reer koonfur oo dhan dhiirag galin u noqotay iyo gabar walbaba oo arinkaan oo kale qabsan kartay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *