Ameesha Patel waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu quruxda badan Bollywood, laakiin taasi uma aysan hubin inay ka badbaado maadeysiga Social Media-ha (Trolls).

Atariishooyin ay ka mid yihiin Fatima Sana Shaikh, Priyanka Chopra iyo Bipasha Basu ayaa hore loogu maadeystay – laakiin markaan waxaa liiska kusoo biirtay gabadhii caanka ku noqotay filimkii Kaho Na Pyaar Haina ee Ameesha Patel.

Ameesha Patel ayaa waxay kasoo muuqatay kaalinta koowaad ee waxyaabaha loogu hadalheynta badan yahay Twitter-ka qeybta u gaarka ah dalka India, ka dib markii taageereyaasha Bollywood ay gabadhaan si xun ugu maadeysteen.

Wax walba waxay ka bilowdeen sawir selfie ah oo ay 43 sanno jirtaani soo dhigtay barteeda Instagram, kaasoo ay ku sheegeysay sida ay isugu diyaarisay barnaamij laga duubayey oo model ah, waxayna soo qortay: “Marka aad duubid leedahay 7da subaxnimo waa iaad ka kacdo 5 aroornimo.”

Laakiin durba sawirradaas waa la qaaday waxaana la geeyey Twitter-ka, iyadoo Ameesha Patel loo sheegay inay ku wacnaan laheyd jilliinka aflaanta galmada ah. Sidoo kale, dadka qaarkood ayaa ugu baaqay inay iska guursato.

Ameesha Patel ayaan illaa haatan si rasmi ah uga soo jawaabin qaabka loogu fadeexeystay baraha bulshada, iyadoo lala meeldhigay Sunny Leone.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here