Amir Khan ayaa ayaa dhawaanahan waxa uu ku mashquulsan yahay duubista filim lagu magacaabo Laal Singh Chadha kaaso sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ee Classic ah Forest Gump ee Tom Hanks abaal marino badan ku qaatay sidoo kalena mashruucaan waxaa Director ka ah Adviat Chandan oo horey u sameeyay filimka Secret Superstar.

aktarkan waxa ku caan baxay inuu yahay mid isku ekaysiiya door filimka uu jilaayo sida aan ku aragnay aflaamta 3 Idoits, Pk , Dangal iyo kuwa kale oo badan laakiin waxaa intaas waxba kama jiraan ka dhigi doona doorkiisa filimka Laal Singh maadaama aktarka uu si dhab ah isugu ekaysiiyay Tom Hanks doorkiisa filimka Laal Singh

Amir Khan ayaa daystay timo iyo gar dhirir badan si uu ugu run sheego doorkiisa iyadoo sawir laga soo qaaday aktarka uu gil-gilay baraha bulshada markaas uu filimkan qaybo ka mid ah ku duubaayay gobolka Shimla waxaana filimkan la daawan doona Diwali 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here