Amitabh Bachcan oo keenay fikrad aad u wanaagsan oo lagula tacaali karo dadka Corona Virus uu ku dhacay.

0
1445

Kadib markii caalamka qarxay Caabuqa Corona Virus ee loo yaqaano Covid19 ayaa waxaa aad u batay howlaha isbitaalada maadaama bukaanada bateen waxaana dadkii loo la’yahay qol lagu xareeyo misna lagu baxnaaniyo.

Hadaba ayadoo sidaas tahay Mega Star Amitabh Bachchan ayaa keenay fikrad macquul ah oo lagula tacaali karo xaaladaha Viruskaan waa hadii dadka cudurkaan ku dhacaayo sii bataan misna isbitaalada la buux dhaafiyo.

Amitabh ayaa qoraal uu shalay soo dhigay bartiisa Instagramka kusoo jeediyay in maadaama tareenada aanan hada la isticmaalin oo uu bandow jiro in tareenada si kumeel gaar loogu badalo xarumo caafimaad ayadoo qolalka tareenada la isticmaalayo.

Amitabh ayaa yiri tareen kasta wuxuu leeyahay ugu yaraan 20 qol ayadoo India ay leedahay 3000 oo tareen waxayna taasi ka dhigantahay in tirada qolalka noqoneyso 60000 oo qol waana arin lagu faa’iidi karo”.

Qorshahaan ayaa la hirgalin karaa hadii India ay xaaladeeda kasii darto misna tirada kiisaskeeda kor u kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here