Home » Nolosha Jilaayaasha » Amitabh Bachchan, Aamir Khan Iyo Fatima Sana Sheikh Oo Dalka Thailand Isku Dagaali Doonan!!

Amitabh Bachchan, Aamir Khan Iyo Fatima Sana Sheikh Oo Dalka Thailand Isku Dagaali Doonan!!

Waxaa horey loosoo gabagabeyay 2 jadwal oo duubista filmka Thugs of Hindostan ah jadwalba koowaad waxaa filmkaan lagu soo duubayey Malta halka jadwalba labaad lagu duubay Mumbai haatana waxaa la shegaya in jadwalba sedexaad lagu duubi doono dalka Thailand.

Ilo kudhow dadka filmkaan iska leh ayaa saxaafada usheegtay in guud ahaan kooxda filmkaan u duuli doonaan Thailand si muuqaalo muhiim ah halkaas ugu soo duubaan.

“Amitabh Bachchan Aamir Khan iyo Fatima Sana Sheikh waxya u amba bixi doonaan Thailand si ay halkaas muuqaalo muhiim ah oo filmkaan ugu soo duubaan saas eetahay kooxdan ayaa amar lagu siiyay in aysan qofna usheegin muuqalada halkaas lagu soo duubayo.”

Sikastee ahaataba waxaa wararka xanta ah sheegayan in halkaas lagu soo duubi doono muuqaalo dagaal ah oo ay ku hardami doonan hogaamiyaasha filmka.

Thugs of Hindostan waxaa Director ka ah Vijay Krishna Acharya halka Yash Raj Films ay maalgalineyso waxana filmkaan wada hogaaminayaan Amitabh Bachchan, Aamir Khan, Fatima Sana Sheikh iyo Katrina Kaif waana film qorshihiisa yahay in la daawado sanadka dambe Diwali-ga.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *