Mega Superstar Amitabh Bachchan ayaa hadal heyn weyn dhaliyay kadib markuu ku dhawaaqay in la garab istaago diinlaawayaasha india udhashteen ee daafaha caalamka kunool dhiiga wada dhalasho ee Indian-nimo aawged halagu soo dhaweesto ayuu leeyahay xidigaan.

Dadka diimaha hinduuga heestaan lama tuso oo looma sii dhaweyo qof aan diin heysan aad ayee u neceb yihiin diinlaawayaasha waana sababta uu Big B u leeyahay dadka hindiya udhashtay ee muslim iyo hinduba wada ah waxaa haboon inaan walaalaheen diinlaawayaasha ah aan wada dhalasho kusoo dhaweysano.

Sida guud diinlaawe waxaa ladhahaa qofka aan diin heysan sido kalena aaminsaneen jiritaanka Alle SWT waxuuna qofkaas ka daran yahay qofka sanamka caabuda sababto ah qofkaas waxuu aaminsan yahay jiritaanka Alle SWT sababta uu sanamka u caabudana waxuu ku sheega inuu Alle ugu dhowaado oo Illaah kale waaye ayee dhahaan sanamka.

Hadaba Big B waxuu yiri isagoo arinkaa ka hadlaayo xili barnaamijkiisa Kaun Began Crorepati uu daadihinaayey,”aniga ahaan waxaa ila quman fikir ahaanteyda diinlaawayaasha udhashteen dalkeena India ee daafaha caalamka kunool in ay soo dhaweestaan kuwa diimaha heesta ee iyagana India udhashteen waa inee ka xiksadaan dadka kale waa inee kalsooni dareensiyaan waa inee dhiiro galiyaan waa inee dhiiga wada dhalasho kusoo dhaweestaan.”

“India meel walba ay joogaan muslim, hindu iyo diinlaaweba inee hal noqdaan ayaan jeclahay oo dadka kale iska xiksadaan waxaana meesha ka bixi laheed naceebka iyo sida loo takooro diinlaawayaasheena.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here