Kudhowaad hal saac ayaa laga joogaa marka la shaaciyay geerida jilaaga caanka ah Irrfan Khan gudaha India iyo daafaha caalamka dad kunool ayaa ilaa iyo hada rumeysan la’ xidigaan inuu geeriyooday qof walba lama filaan ayee ku noqotay.

Irrfan xalay ayaa isbitaal loola cararay kadib xanuun kusoo booday dhanka dheefshiidka ah subaxana wuu u geeriyooday isla xanuunkaas horeyna waxuu kaga soo kabtay cudurka Kansarka xili maalmo kahor hooyadiis geeriyootay.

Hadaba qaar kamid ah jilayaasha Bollywoodka ayaa ka murugoodeen dareenkoodana baraha bulshada ku muujiyeen hoos ka akhriso ilaa iyo hada jilayaasha ka hadleen geerida Irrfan Khan.

Amitabh Bachchan: hadda ayaa la iisheegay geerida Irrfan Khan waa warkii iigi naxdinta badnaa dhowaanahan aan maqlo waxuu ahaa jilaa qibrad jiliin tii usareysay lahaa waan kaxumahay geerida Irrfan ehelkiisa ayaan la qeybsanayaa murugada

. Raveena Tandon: atoore qaab jiliin Fantastic lahaa iyo qalbi bini’adanimo qurux badan leh ayuu ahaa Irrfan Khan waan naxay geeridiisa dhab ahaantii si dhaqsi leh ayuu inooga tagay waligeen waan ku xasuusan doonaa mudane.

Sonu Sood: Fanka hindiya waligeed wey ku tabi doontaa walal Irrfan, RIP Irrfan Khan.

Shruti Haasan: waxaan kugu macsalaameyay nabad waxaan kuugu duceynaa in naftaada xasilooni hesho waligeen waan kuuxiisi doonnaa marwalbana qalbiyadeena kama marnaan doontid.

Bhumi Pednekar: waa hadal laga naxo qalbi jab weyna ah inaan maqalno subaxan geerida Irrfan Khan waa hubaal inaan ku tabeyno mudane balse waligeen qalbiyadeena ayaad kujiri doontaa waad ku mahadsantahay sida aad inoo madadaalisay intaa nooleed misane fanka kujirtay.

Parineeti Chopra: mudane Irrfan waxaad ahed qof wanaagsan misane degen la falgalkaada dadka kula shaqeeyay wey xasuusan doonaan wanaagaada marwalba dunida maanta waxaa ka tagay mid kamid ah shaqsiyaadkii ugu qibrada badnaa dhanka jiliinka dhamaan ehelkiisa ayaan utacsiyoonayaa.

Taapsee Pannu: ilaa iyo hada qalbigeyga waan ka dhaadhicn la’ahay inaad geeriyootay mudane Irrfan (Khan) marwalba xusuustaada ayaa akteena ah waxaana ahed keeni inoogu fiicnaa waan kuuxiis doonaa RIP Irrfan.

Neha Dhupia: RIP Irrfan Khan.

Jilayaashan aan magacyadooda xusnay badankood sawiradiisa ayee soo raaciyeen qoraalkooda lasoco jilayaasha kale ee kasoo hadlaan geerida Irrfan Khan ilaa hadana reer Khan waa la sugayaa inee kasoo hadlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here