Hindiya waxay kusii jiri doontaa xaalada bandowga ah ilaa 3-da bisha May ee nagu soo fool leh balse weli ma caddo in tiyaatarada dib loo furi doono waxaana la isla dhex maraa sida maangalka ah in tiyaatarada Hindiya dib loo furi doono bilaha June ama July haddii ay suurta gal noqoto.

Sidaa darteed Director Shoojit Sircar wuxuu sheegay filimkiisa Gulabo Sitabo oo ay hogaamiyaal ka yihiin Amitabh Bachchan iyo Ayushmann Khurrana laga daawan doono Digital-ka ama Internet-ka lagu soo fasixi doono waayo qorshaha wuxuu ahaa markii filimkan in 17-dii bishan April ee aan kasoo gudubnay in tiyaatarada la saaro balse midaas wey suura gali weesay.

Wuxuuna filim sameeyahan sheegay wixii ka dambeeyo 3 bisha May inay qaadan doonaan kooxdiisa go’aan ku aadan in filimka Gulabo Sitabo Digital ahaan loo daawado waayo shirkado kala duwan oo si Online ah aflaanta usoo fasaxayaan ayaa Director Shoojit Sircar lacago badan u sheegeen waxayna u badan tahay kooxda filimkan fursada hortaalo inay ka faa’iideesan doonaan.

Dhinaca kale Director Shoojir Sircar filimkiisa kale ee xiga laguna magacaabo Sardar Udham Singh ee hogaamiye ka yahay Vicky Kaushal wuxuu sheegay in dib loo dhigay oo 2 October la daawan doonin haatana kooxda filimkan waxay isku raaceen sanadka dambe gaar ahaan Janaayo 2021 la daawado mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here