Amitabh Bachchan iyo Ekta Kapoor oo baajiyay feestada Diwali Rishi Kapoor dartiis.

0
805

Mega Star Amitabh Bachchan iyo gabadha TVyada caanka ah filimadana maalgalisa ee Ekta Kapoor ayaa baajiyay feestada Diwali iyo dabaal daga sanadkastay dhigi jireen sabab la xiriirta geerida Rishi Kapoor ku timid.

Rishi Kapoor ayaa bishii September sanadkii hore ee 2019ka dib ugu soo laabtay India, kadib markii uu mudo sanad ah ku qaatay magaalada New York halkaasoo looga daweynayay Kansarka Dhiiga.

Kadib soo kabsashadiisa wuxuu dib ugu laabtay India balse bilooyin kadib bishii April sanadkaan 2020ka ayaa si lama filaan ah loogu soo booday halkaasoo uu ku geeriyooday.

Hadaba Amitabh oo Rishi saaxiibo dhaw ahaayeen sidoo kalana u arkay inuu yahay walaalkiis kayar oo kale, ayaana ku dhawaaqay in sanadkaan uusan qaban doonin feestada Diwali xafladna dhigi doonin asigoo ku maamuusayo geerida saaxiibkiis ku timid.

Amitabh ayaana sanadkasta xaflad weyn qaban jiray feestada Diwali dadweyne badan oo isugu jiraan jilayaal caan ah iyo jamaahiirtiisaba ayaana imaan jiray hoygiisa, si xaflada uga qeyb galaan.

Inkkastoo caalamka aafeeyay Corona-Virus oo aan la ogoleyn inaan la isku imaanin xafladana la qabanin, hadana Amit ayaa sheegay in Rishi Kapoor dartiis u baajiyay.

Amitabh iyo Rishi ayaana filimo badan oo waaweyn guulo taariikhi ahna gaaray isla keeneen waxaana kamid ah; Amar Akbar Anthony, Coolie, Kabhie Kabhie, Ajooba, iyo mashruucoodii ugu dambeeyay ee 102 Not Out kaasoo soo baxay 2018dii guulna gaaray.

Dhanka kale gabadha soo saaraha ah ee Ekta Kapoor ayaa dhankeeda sheegtay in feestada Diwali aysan qaban doonin sanadkaan ayadoona ku maamuusi doonto geeridii Rishi Kapoor.

Ekta iyo Rishi Kapoor wax xiriir qaraabanimo kama dhaxeeyo balse waxay sheegtay in Rishi ay ku tiriso qof qoyskooda ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here