Sida guud lamaanaha wada nool midna banaanka ayuu ka shaqeya midna gudaha si ay isku caawiyaan una soo saartaan badarkii ay cuni lahaayen kuna noolaan lahaayen inta badana Ragga ayaa banaanka kasoo shaqeyaan halka dumarkana guriga ka shaqeyaan.

Hadaba hooyada guriga maamusha in sidee wax u maamusho lagu qanco waa qasab maadama guriga ay iyada maamule katahay marka aan usoo laabano muhiimada maqaalkeena ayaa waxuu yahay in Amitabh Bachchan iyo Abhishek Bachchan markii guriga la joogo loo taliyo amarka xaasaskoodana ay qaataan.

Arinkaan waxaa hada kahor shaaca ka qaaday Big Bachchan gabadhiisa ahna Abhishek walaashiish Shweta Bachchan xili ah ka qeyb galeysay barnaamijka Koffe With Karan sido kalena Karan uu weydiiyay guriga cida ka taliso oo amarkeed la qaato.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”guriga waxaa mudane (Boss) ka ah hooyo (Jaya Bachchan) waxaana kusoo xigto Aishwarya shaki la’aan” intaas sheekada kuma eka Shweta ayaa sido kale sheegtay inee dhibanayaal yihiin Big B iyo wiilkiisa dhanka qarashka marka la joogo jeebabkooda waa laga qeylisiyaa ama lacag badan ayaa laga qaada biilka reerka ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here