Megastar Amitabh Bachchan wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay baraha bulshada ku xaqiijiyay geeridii ku timid Superstar Rishi Kapoor sidoo kalena Big Bachchan wuxuu sheegay inuu qalbi ahaan bur buray kana soo kaban karin geeridii saaxiibkiis Rishi ku timid.

Abhishek Bachchan ayaa qooyska reer Bachchan waxaa u matalay shalay galab duugtii Rishi Kapoor ama markii la gubaayay goobta gaaray kadibna tacsi gaarsiiyay qoyska reer Kapoor wuxuuna ku hadlay magaca aabihii Amitabh Bachchan iyo guud ahaan reer Bachchan.

Kadib waxaa xigtay in Amitabh Bachchan baraha bulshada markale kaga hadlay geeridii Rishi Kapoor ku timid wuxuuna sheegay qof weyn Hindiya inuu ka baxay lagana soo kaban doonin geeridiisa wuxuu Amitabh yiri “Markii ugu horeesay aan Rishi la kulmay wuxuu ahaa wiil yar oo qurux badan aadna usoo jiidasho badan kaftankiisa xad dhaaf yahay sidoo kalena dhoola cadeyntiisa aan dhamaad laheyn maalintii aan ku kulanay RK Studio ilaa inta uu ka geeriyoonayay dhoola caddeyntiisa iyo fur furnaantiisa joogto ayay ahayd.”

Amitabh ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay sababtii uu u booqan waayay markii Rishi Kapoor isbitaalka ku jiray wuxuuna yiri “Waxaan ku bartay farxad, dhoola caddeyn iyo fur furnaan sidaa darteed ma xamili karin Rishi oo xanuun haayo oo sariir isbitaal jiifo inaan booqdo sidaas ayaan ugu tagi waayay, waxaan hubaa markii uu geeriyoonayay asigoo dhoola cadeenayay inuu dunida ka tagay!”

Amitabh iyo Rishi waxay isla sameeyeen aflaan badan oo Classic waxaana ka mid ah Kabhi Kabhi, Amar Akbar Anthony, Naseeb iyo filimkii ugu dambeeyay 102 Not Out oo sanadii 2018 la daawaday waana labo halyee oo fanka Hindiya maqaam sare ka gaareen.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here