Mega Superstar Amitabh Bachchan ayaa u awood sheegtay oo ka sare maray  Super Star-da kale ee kala ah Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Akshay Kumar balse waa halkee meesha uu kaga awood batay xidigaan 77 jirka ah.

Big B waxuu noqday jilaaga India kasoo jeeda ee baraha bulshada ugu saameynta badan sanadkaan 2019 oo loola jeedo waxuu noqday midka ugu Post-ga badan sido kalena dadka madadaaliyay.

Waxaa la qiimeeya shaqsiyaadka caanka ah sanadkii sidee ula falgalaan taageerayaashooda hadaba Amitabh Bachchan sanadkaan taageerayaashiisa wuu madadaaliyay in badan xitaa Reply ayuu u galaayey oo micnaha wuu u jawaabayey taageerayaashiisa in badan marka waxaa loo aqoonsaday midka ugu madadaalinta badan jilayaasha hindiya dhanka Socia Media-yaha.

Amitabh Bachchan BEATS Salman Khan, Shah Rukh Khan and Akshay Kumar to become the most tweeted handle of the year

Waxaa kusoo xiga Akshay Kumar oo Post-yo tiro badan iyo madadaalo xiiso leh laga helay asna waxaana kaalinta seddexaad fadhiya Salman Khan halka Shah Rukh Khan uu afaraad joogo.

Dhanka kale atiriishooyinka mida ugu madadaalada badn ee Post-yo tiro badan sido kalena xiiso leh taageerayaasheedana la fal gashay waxa noqtay Sonakshi Sinha oo kaalinta kowaad soo gashay waxaan kusoo xigta Anushka Sharma.

Fanaanada caanka ah Lata ayaa kusii xigta halka liiskan ay kujiraan Priyanka Chopra iyo Alia Bhatt isku soo wada duub Amitabh Bachchan ayaa noqday madadaaliyaha kowaad ee India kasoo jeeda dhanka Baraha Bulshada sanadkaan 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here