43-sano ayaa kasoo wareegatay daawashada filimka Classic ah ee Blockbuster-ka taariikhiga ah noqday Amar Akbar Anthony waxaana masraxa la saaray 27 May 1977 waana mid ka mid ah aflaanta ugu caansan ebid Hindiya sameeyeen.

Filimka Amar Akbar Anthony waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Amitabh Bachchan iyo labadii Superstar ee geeriyoodeen Vinod Khanna iyo Rishi Kapoor wuxuuna Amitabh filimkan ku qaatay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atooraha ugu wanaagsan.

Amitabh Bachchan ayaa weli xasuusto wacdarihii uu dhigay Amar Akbar Anthony xiigaas wuxuuna yiri “43-sano ayaa kasoo wareegatay daawashada AAA balse weli waxaan hilmaami karin sidii uu xiligaas Hindiya u qabsaday waxaan la bar bar dhigaa Bahubali 2 sida uu sedex ka hor Hindiya oo idil u sameeyay, run ahaantii AAA wuxuu ahaa filim shacab weynaha Hindiya oo idil mideeyay waayo doorarkeena xitaa Muslim, Hindu iyo Christian ayaan ku matalnay aniga, Rishi iyo Vinod oo aan ka xumahay in haatan ifka ku nooleyn labadeydii saaxiib.”

Filimka Amar Akbar Anthony wuxuu soo xareeyay xiligaas 7.25 Crore lacago gaaro qiyaas ahaan oo maantadan 300 Crore ka badan u dhigmato oo qiyaas ahaan 350 Crore gaareyso wuxuuna ahaa filimkii ugu weynaa sanadii 1977 Bollywood-ka sameeyeen sidoo kalena Amitabh Bachchan Hindiya kusii qabsaday madaama xiligaas awoodiisa loo dhawaan karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here