Amitabh Bachchan (Cali Dheere) oo maanta 77 jir noqday iyo tobankiisa Oraah ugu wanaagsan noloshana dhiiro galin u ah oraah walba waxaa raacsan filimka uu ku dhex dhahay.

1-Xushmada jaceyl ayaa lagu kasbadaa ee cabsi galin laguma kasbado (Mohabbatein).

2-Haddii aad rabtid dadka oodhan inee ku jeclaadaan marka hore adiga halagaa helo jaceyl (Mohabbatein).

3-Xitaa cadowgaada waa lala saaxiibaa hadaa ogtahay inee faaido kaaso galeyso dhankiisa (Agneepath).

4-Haddii Aabaha uu ku caawiyo wiilkiisa oo yar talaabada ugu horeysa noloshiisa maxaa diiday in wiilka asna ku caawiyo Aabihiis talaabada ugu dambeyso noloshiisa (Bhagban).

5-Insaanka waxaa ugu nasiib xun midka waalidkiis oo nool ay ka waayeen caawinaad, jaceyl iyo xushmad xaqa waalidka ciyaar ma aha inta fahamta ayaase yar (Bhagban).

6-Jawaabta ugu fiican ee lasiiyo qofka jaahilka ah waa aamusnaanta (Khuda Gawah).

7-Dadku waa labo qeybood: kuwa iyagaa is ammaanaan buur aysan saarneen ayee is geeyaan halka kuwa kalena dadka ay ammaanaan waxaase qiimo badan midka isaga la amaano (Bbuddah Hoga Terra Baap).

8-Ninka wuu ku caajisaa gabadha labadaan sifo midkood leh: mida timaado xiliga balanta kahor iyo mida timaado xiliga balanta kadib waliba saaid usoo daahdo (Don).

9-Yaa kaa nasiib badan marka aad heysato saaxiib wixii naftiisa uu la jeclaaday adiga ku siinaayo saaxiibkaaso kale nafta in loo huro ayuu u qalmaa (Sholay).

10-Canaanta waalidka waa qeyb kamid ah hormarka nolosha ubadka cunugiise ka hor imaado waalidkiis waxuu noqdaa sida geed iska weynaaday oo miro iyo dheecaana laheen (Sooryavansham).

Oraahda aad ka heshay hoos ku reeb lambar ahaan…

1 COMMENT

  1. Hadalkaan.malahan amithabh bachchan ee waxaa iskaleh saalax dheere waana kumahad sanyahay haduusan asaga aheen aflanta hindiga micno maba yeesheen nooloow masuul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here