Jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan ayaa ugu dambeyn laga soo saaray isbitaalka dibna loogu soo celiyay gurigiisa sida uu isaga baraha bulshada ku shaaciyayba waxuuna sheegay inuu ka caafimaaday caabuqii hayey ee Corona.

Bachchan ayaa mudo isbitaalka kujiray dawooyina ku qaadanaayey maadama laga helay Coronavirus balse kaligiis ma ahan ee isaga iyo wiilkiisa Abhishek Bachchan ba waa laga helay xitaa waxaa laga helay gabadhuu sodoga u ahaa ee Aishwarya Rai Bachchan iyo Aaradhya Bachchan.

Aishwarya iyo gabadheeda xili hore ayee ka caafimaadeen caabuqa halka shalay Amitabh ka caafimaaday sido kale maamada guriga Jaya Bachchan iyada weyba ka bad baaday oo lagama helin fagtii hore, Abhishek isaga isbitaalka ayuu kusii jira walina kama uusan caafimaadin caabuqa.

Ugu dambeyn Amitabh isaga waxaa lagula taliyay inuu qolkiisa kujiro in mudo ah oo uu karantiil ku ahaado si uu isku hubiyo in caabuqa toos oga caafimaaday iyo inuu kusoo noqday waxuuna dawooyinkiisa ku qaadan doonaa qolkiisa dhexdiisa oo uu karantiil ku ahaan doono si uu isku hubiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here