Aabaha Bollywoodka Amitabh Bachchan ayaa dacwo ka dhan ah loo soo gudbiyay oo ay usoo gudbiyeen taageerayaasha Boqorka Bollywoodka Shah Rukh Khan dacwadan ayee kusheegen in Big B marwalba sigaar ah u necebyahay SRK sababtana aysan garaneynin iyagu waxayna arinkaan ka dhawaajiyeen intuu socday barnasmijkiisa KBC ee Tv-yada kabaxa.

Waxay dhaheen,” anaga kaama helno mudane Amitabh Bachchan sababto ah waxaad necebtahay SRK guriga ayaad kasoo ceyrisay (Filimka KG3) sido kalena laf-dhuungashaa kunoqotay (Filimka Mohabbatein) marka maxaad sidaas dhan ugu necebtahay SRK ogow anagana waan kuu careysanahay!” Halyeeygan markuu hadalkaas maqlay qosol ayuu kudhuftay isagoo aad ula yaabay hadalka jamaahiirta King Khan.

Kuwii barnaamijka kusugnaa ayuu raali gareeyay waxuuna dhahay hada kadib ma dhaceyso sidaas ookale kkkkkkkkkk sido kale waxuu balan qaaday inuu SRK si deg deg u raali gareynaayo cafisna kaga dalbanaayo waliba Amit midaas wuu balan qaaday dadkii sheekadan maqleen badankood wey qosleen adiga qoraalkan akhrinayaa hader ma qosleysaa mise la yaabtay taageerayaasha King Khan sida ay usooroonayaan.

Waxaa lakala saari la’yahay hadalka dadkaas ku hadleen inee kaftan ka ahed iyo inee daacad ka tahay oo ay iska suuroonayaan ama iska qiiroonayaan hadaba SRK haduu maqlo sheekadan siduu kaga falcelin doonaa waa sheeko cajiib ah oodhacday in wixii filimka lagu jilaayay jilaa kale loogu caroodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here