Mega Star Amitabh Bachchan Waxuu caan ku yahay ku adkaashaha dhaqanka hinduga caalamka oo dhana waxaa laga wada ogyahay inuu yahay qof diinta hinduga heesta balse hadalkiisa 24 saac kahor baraha bulshads laga dhex helay malaayiin dad ah ayaa shaki galeen in Big B yahay qof diinlaawe ah oo aan aaminsaneen jiritaanka Alle SWT.

Barnaamijkiisa Tv-yada laga daawada ee uu dadka suaalaha ku weydiiyo kaaso loo yaqaano Kaun Banega Crorepati ayuu jilaagan goobta kaga hadlay inuusan heysan jirin diin gaar ah iyo caqiido gaar ah waxuuna yiri isagoo arinkaa ka hadlaayo.

“Markii hore magaceyga waxuu ahaa Amitabh Srivastava (magaca Srivastava waa qof diin oodhan aaminsaneen) sababto ah aabahay diin oodhan ma rumeysneen sidaa aagwed waxaan ahay qoyskeena qofka kowaad ee magaca Bachchan loo bixiyo.”

“Xiligaa iskuulka dhigan jiray ayaa la iweydiiyay magaca aan heesto ama ku abtirsado waana dhibsan jiray magaca Srivastava kadibna aabey Harivansh Rai ayaa iibixiyay magaca Bachchan in laiigu magac daro sidaas ayaana Amitabh Bachchan la iidhahay isagana loo dhahay Harivanshi Rai Bachchan.”

“Caruurta markee iweydiiyaan diinta aan heysto waxaan dhihi jiray aniga diin gaar ah ma heysto caqiido gaar ahna ma rumeysni waxaan ahay qof Indian ah dhaqankiisana ku adag.”

Suaasha meesha taalo waxay tahay Amitabh Bachchan hader ma diinlaawaa mise dhacdo hore unbuu ka hadlay oo hader waa qof diinta hinduuga heesto jawaabta suaashan waxaa la heli doonaa marka xalqada oo dhameestiran hawada lagu soo daayo iyo Big B hadalkiisa oodhameestira halkaas laga heli doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here