Home » Nolosha Jilaayaasha » Amitabh Bachchan oo xanuun kusoo booday xili uu filimka TOH duubayay haatana Isbitaal la dhigay

Amitabh Bachchan oo xanuun kusoo booday xili uu filimka TOH duubayay haatana Isbitaal la dhigay

Bollywood Mega Star Amitabh Bachchan ayaa la xaqiijiyay inuu xanuun kusoo booday xili uu filimka weyn Thogs of Hinduston ku duubayay Jodhpur sidoo kalena isbitaal la dhigay.

Amitabh Bachchan ayaa qandho ama xumad daran iyo wareer ku dhacay xili uu shaqada TOH ku guda jiray madaama cimilada kulul ee Jodhpur uu xamili waayay waxaana la joojiyay shaqada filimkaan ayadoo Big Bachchan isbitaal la geeyay.

Amitabh Bachchan ayaa xanuunkiisa xaqiijiyay sidoo kalena sheegay in dhaqaatiirta la tacaalayaan sidoo kalena uu kalsooni wanaagsan ka qabo sida ugu dhaqsiyaha badan shaqada TOH inuu ugu laabto inkastoo dhaqaatiirta kula taliyeen inuu nasto.

Thugs of Hinduston waa filimka ugu horeeyay ee Amitabh Bachchan iyo Aamir Khan isla sameeyaan waxaana ku wehliyaan Katrina Kaif iyo Fatima Sana Shaikh qorshahana wuxuu yahay filimka shirkada Yash Raj Films leedahay in la daawado Diwali 2018 ama 7 Nov 2018.