Home » Nolosha Jilaayaasha » Amitabh Bachchan, Salman Khan, Shah Rukh Khan, Akshay Kumar, Deepika Padukone Lakulan Xidigaha Ugu Taageraha Badan Barta Twitterka!!

Amitabh Bachchan, Salman Khan, Shah Rukh Khan, Akshay Kumar, Deepika Padukone Lakulan Xidigaha Ugu Taageraha Badan Barta Twitterka!!

Tartanka meelwalba ayuu kasocdaa haatana sheekada waxxay mareysa dhanka baraha bulshada iyo yaa hogaaminaayo.

10ka qof ee ugu taageraha badan barta Twitterka kana soo jeedaan dalka India ayaan idiin heynaa hadaba liiskaa top 10ka ah waxay u taaganyihiin guud ahaan India oodhan dhinac walbe ahaato waana shaqsiyaadka ugu taageraha badan barta Twitterka marka lafiiryo asaxaabtooda kuxiran.

Raisul wasaare dalka India Narendar Modi ayaa liiskaan hogaanka uhaayo maadama bartiisa Twitterka kuxirantahay dad kor udhaafaya 37.5 million oo qof waana shaqsiga India oodhan ugu shacbiyada balaaran barta Twitterka marka lajoogo.

Sido kale liiskan waxaa kaalinta 2aad iyo 3aad soo kala galayaan xidigaha kala ah Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan halka 4aad iyo 5aad ay soo galayaan Salman Khan iyo Akshay Kumar.

Waxaa xusid mudan in liiskan kaliya hal dumar ah ookaliya ay kujirto taaso ah haweyneyda kaliya ee India oodhan liiska top 10ka ah kasoo gasho qofkalena ma aha waa atiriishada Deepika Padukone.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bog0 shaxda xidigaha iyo sidee ukala sareeyaan:

Sida muuqata 10kaan qofood waxaa liiska kula jira Captain-ka Ciyaarta Cricket-ka ee Virat Kohli kaaso kaalinta 10aad kujira halka Sachin Tendulkar oo ahaa ciyaaryahanki hore ee india u dheeli jiray ciyaartka Cricket-ka wuxuuna liiskaan kaga jiraa kaalinta 8aad.

Sido kale Hoos ka daawo Table lagu kala saarayo qofwalba inta shacbiyad ee kuxiran bartiisa Twitterka:

Table waxaad ka arkeysaa magaca qofka iyo tirada dadkiisa ay marayaan qeybta dhexe waxaad ku arkeysaa labo tiro oo kala ah 2017 iyo 2016 qeybta 2016 waa sanadkii hore tirada shacbiyad ay lahaayen halka 2017 hadeer waliba maanta la joogo ay intaas u marayaan.

Sido kale qeybta midig markaa Table-ka fiiriso waxaa geeska kaaga muuqanaya Flower Growth waxaa loola jeeda qaabka loogu kala badanyahay shacbiyada sidee ukoroyaan micnaha boqoley ahaan shacbiyada sidee usiyaadayaan marba marka kadambeysa qofna kis kis ayaa loogu darsana qofna si xawaare sare ah ayaa logu darsada bartiisa Twitterka sidaa ayaa loola jeda.

waxaad arkeysa Akshay kumar oo boqoley ahaan lamid ah Raisul wasaaraha sido kalena Virat Kohli ayaa ah kan ugu badan boqoley ahaan marka laga cabir qaato qaabka markasta loogu darsanaayo bartiisa Twitterka.

Balse sida guud waxaa ugu badan Narendar Modi oo kaalinta koowaad kujira sidaas ayeen ukala sareyaan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *