Inta badan filim soo saarayaasha Bollywood-ka quus ayay taagan yihiin tan iyo bishii bartamihii bisha Maarso marka tiyaatarada la xiray xaalka masoo hagaagayo haatana waxaa la sheegay xitaa haddii xaalada bandowga Hindiya ku jiraan laga baxo in tiyaatarada si sahlan loo furi doonaan oo ay macquul tahay bilaha July ama August daawadayaasha masraxa soo aadaan.

Sidaa darteed Megastar Amitabh Bachchan filimka uu ku matalaayo Proffesor-ka dhalinyaro bara kacayaal ah oo xeryaha qaxootiga ku nool kubada cagta baraayo ee lagu magacaabo Jhund tiyaatarka laga daawan doonin waxaana lagu soo fasixi doonaa dhanka Digital-ka oo si Online ah ayaa mashruucan loo daawan doonaa.

Filimka Jhund qorshaha wuxuu ahaa in 8 bisha May 2020 masraxa la saaro laakiin tiyaatarada wey xiran yihiin sidaa darteed shirkada T Series oo filimkan maal galineyso waxaa la sheegay in shirkada Netflix ka iibin doonto si toos ah dhawaan Internet-ka looga daawan doono.

Dhinaca kale filimka lagu magacaabo Ludo ee isla T Series maal galineyso waxaa la sheegay in si Online ah barta Netflix looga daawan doono waxaana filimkan hogaamiyaashiisa ka mid ah Abhishek Bachchan oo ay ku wehliyaan Rajkumar Rao, Fatima Sana Shaikh iyo jilaayaal kale ayadoo uu mashruucan Director ka yahay Anurag Basu lana daawan lahaa 24-kii bishan April kasoo gudubnay sidaa darteed isagana waa laga quustay oo Digital-ka ayaa dhawaan lagu soo fasixi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here