Amithab Bachchan waa mid ka mid ah aktarada heer sare ka gaaray fanka filim jilista isagoo filim jilista ku guda jiray inka badan 50 sano waana arrin naadir ah in la arko shaqsi mudadaas fanka ku dhex jiray sidoo kalena awoodiisa sii lahaado

Amithab marka loo fiiriyo qoyskiisa waxa jira shaqsiyaad fara badan kuwaaso fanka magac ku dhex leh sida xaaskiisa Jaya Bachchan wiilkiisa Abishek iyo gabadha uu sodoga u yahay Aishwarya Rai Bachchan

haddaba Amithab Bachchan ayaa markan waxa uu saxaafada shaaca kaga qaaday arrin si weyn loo wada sugaayay maadaama aktarka uu dhalay labo caruur isagoona sheegay sida uu doonaayo inuu hantidiisa u kala siiyo labadiisa caruur maadaama aktarkan uu si gaboobaayo

Big B ayaa sheegay jaceylkiisa uu u qabo labadiisa caruur inay yihiin kuwa siman sidaas oo kalena uu doonaayo inuu hantidiisa uu kala qaybiyo si siman maadaama labadooda uu si weyn u jecel yahay

Shweta waxa ay iska diiday inay kusoo biirto fanka iyadoo go’aansatay inay marwo iska noqoto waxaana hadda u jooga wiil halka Abishek isagana uu weli fanka baaqi ku yahay weliba isagoona fanka magaciisa mugdi sii galaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here