Bollywood Moganbo Aka Amrish Puri waa rugcadaa lawada yaqaano kana mid ahaa kaabo laadiriintii ugu awooda badnaayeen Bollywoodka waxuuna awood u lahaa daawadayaasha inuu ku cabsi galiyo indhihiisa kaliya.

Halyeegan sanadii 2005 ayee geeriyooday balse waxuu ka tagay qoyskiisa maanta waxaa weynaaday wiil uu awoow u yahay oo lagu magacaabo Vardhan kaaso doonaya inuu Bollywoodka kusoo biiro midaasna waxay farxad galisay taageerayaashii hore ee Amrish Puri.

Filim lagu magacaabo Yeh Saali Aashiqui ayuu kusoo caan bixi doona Vardhan waxaana atiriisho ka ah Shivaleeka Oberoi oo iyadana mashruucan kusoo caan baxeyso waxaana Director ka ah Cherag Ruparel 2020 in la daawado ayaa la qorsheynayaa maadama hader howshiisa socoto.

Amrish Puri’s grandson Vardhan to make his Bollywood debut with Yeh Saali Aashiqui; shares first motion poster

Vardhan oo baraha bulshada isticmaalo ayaa Instagram-ka soo dhigay labo farood oo dhiig ka qul qulaayo waxuuna ula jeeda in filimkaan jaceyl yahay farahana u taagan yihiin isaga iyo atiriishada.

Bollywoodka ayaa ku farxeen inuu Bollywoodka soo galo Vardhan oo ah wiiluu Awoow u yahay Amrish Puri dadka qaar ayaa is weydiinayaan sida awoowgiis oo kale amuu shaashada dadka ku cabsi galiyaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here