Waxaa xalay hal xaflad kuwada kulmeen hablaha dhalinta ah ee Bollywood-ka ka howl galaan waqtigaan kuwaaso xalay mashquuliyeen dad weynihii goobta isugu imaadeen kadib markii ay labis soo jiidasho leh soo xirteen.

Xafladan ma aheen mid abaal marino iyo wax qaas ah lagu bixinaayey balse waxay ahed xaflad gaar ah oo dad gaar ah dhigteen laguna casuumay shaqsiyaad Bollywood katirsan oo loogu talo galay inee meesha shidaan si xaflada hadal heyn u dhaliso saxaafadiina waa loo yeeray muuqaalo iyo sawiro badan ayeena ka qaateen jilayaasha.

Atiriishooyinkii goobta imaadeen ee wacdaraha dhigeen waxaa kamid ah Ananya Panday, Jacqueline Fernandez, Malaika Arora, Amrita Arora sido kale xaaska SRK ee Gauri Khan wey timid halka Shanaya Kapoor lagu arkay meesha.

Ragga Bollywood ee imaadeen waxaa kamid ahaa Karan Johar oo gabdhahan wehel u noqday maadama atoorayaasha xalay aysan kasoo qeyb galin xafladan hadaba sawiro ayaa laga soo bandhigay oo xalay laga qaaday hoos ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here