Ananya Panday waxay noqotay atiriisho magaceeda dunida ku baahay kadib markee kusoo caan baxday Filimka Student of The Year 2 wixii markaas xigay Bollywoodka sifiican ayee udhex gashay misane isku bartay sido kale saxaafada wey la qabsadeen.

Filimkeeda u dambeyey ee Pati Patni Aur Woh guul weyn ayuu u gaaray waxaana la jileen Bhumi Pednekar iyo Kartik Aryan halka Ishaan Khattar ay la keeni doonto Filim jaceyl ah hadaba xidigtaan ayaa ka hadashay nolosheeda gaarka ah.

Ananya Panday finally drops the ball on her dating life with THIS major hint

Ananya waxaa lagu xaman jiray inta badan atooraha Kartik Aryan inee xiriir la leedahay balse waligeed suaashan si toos ah ogama jawaabin sido kale Kartik waxaa kaloo lagu xantaa ine isla socdaan Sara Ali Khan.

Sikaste ahaataba Kartik mid ayuunbu la hari doonaa ama si rasmi ah ushaacin doonaa inuu xiriir la leeyahay Ananya dhankeeda waxay tiri markii wax laga weydiiyay wiilka ay lasocoto waqtigaan iyo Kartik haduu yahay.

“Run ahaantii xiriir waajiraa laakiin waa Kartik Aryan idinma dhihi karo ma ahana idinma dhihi karo sababto ah kama helo suaalaha nolosheyda gaarka ah inaan halwaqti kawada jawaabo marka xiliga ku haboon ayaad ogaan doontiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here